Khataraha Ku Gedaaman Siyaasada Jilicsan ee Maamulka Villa Somalia Oo Dalka u Horseedi kara Kala Qeybsanaan..

Security Somalia news

Hogaanka Villa Somalia oo Muddo xileedkiisu uga hartay in ka yar 2-sano, Waajibaad badan oo qabyo ah u harsan yihiin ayaa xiligaan u muuqata in aan lagu dhameyn karin Dhameystirka Dastuurka, Joojinta muddo kororsiga Maamulada Gobolada, Qabashada Qof iyo Cod, soo af jarid Dagaalka lagula jiro Kooxda Argagixisada Shababka iyo Colaada Ethiopia..

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Siyaasada murugsan ee Somalia ayaa yaqiinsan in Qodobada kor ku xusan ay asal u yihiin khataraha ky gedaaman siyaasada jilicsan ee Maamulka Xasan Sheekh ee geedi socodka Dowlad dhiska Dalka hadii aan xal deg deg ah loo helin.

Dhameystirka Dastuurka:-

Waxaa muddo hakad ku jira Qabyo tirka Dastuurka, iyadoo Gudoonada Labada Aqal ay ansixiyeen 4-Qeybood (Chapters) halka ay dhiman yihiin 11-Qeybood welina lama bilaabin ka doodista Qodobadaan harsan, waxaana ugu wacan Dalabyadii Xildhibaanada ee Ansixintii 4-tii Qeybood oo weli Villa Somalia oofin.

Muddo dhaafka Maamulada

Maamulka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu u fasaxay in Maamulada Gobolada mudada Kororsadaan si sharci darro ah, iyadoo 4-ta Maamul ay Muddo 2-Sano ah Sharci darro ku joogaan Maamulada Gobolada waxeyna degaanada ka wadaan dib u abaabulada iyo durbaan u tumida Colaadaha Sokeeye, iyadoo haatan Degaano badan ay ka socdaan Dagaal beeleedyo laguna Eedeeyay Maamulada Gobolada iney daaha gadaashisa ka hagayaan.

Soo rogaal celinta Dagaalada Beelaha waxey dhibaato u geysan doontaa Horumarka yar ee laga sameeyay Dowlad Dhiska iyo xoojinta Nabada, iyadoo wiiqi karta xayiraadka hubka ee laga qafiifiyay horseedina karta in dib loo soo nooleeyo.

Damaca Dhul Boobka Ethiopia:-

Tan iyo bilowgii Sanadkaan waxaa aad u xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyay Ethiopia & Somalia sababo ka xiriira Heshiiskiii Isfahanka ee Ethiopia la gashay Maamulka Gooni goosadka Wawooyiga Dalka kaasoo salkiisu yahay is dhaafsiga Mirinka Bada iyo Aqoonsi, Talaabadaan oo zafgudub ku ah Midnimada iyo Madax banaanida Qaranka Somalia, ku darsoo waxaa soo shaac baxaaya khataro ay Maamulada Gobolada Qaarkood la safteen Ethiopia iyagoo danahooda gaarka ka hormariyay Danta Guud colaad ay u qabaan Hogaanka Villa Somalia ku riixday iney la saftaan Ethiopia.

Hakinta Dagaalada Kooxda Argagixisada:-

Hogaanka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu maareyn waayay dib u bilaabida dagaalada looga soo horjeedo Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo intii badneyd Degaanadii laga saaray dib u qabsaday inkastoo si hoose ay u socdaan Abaabulka iyo uruursiga Hubka iyo Saanada ee Ciidamada Dowlada Federaalka.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa la rumeysan yahay in dhamaan mushkiladahaan taagan hadii aan xal deg deg ah loo helin uu burbur ku imaan doono Dowlad dhiska Dalja iyo Xoojinta Nabada, Amaanka Dalkana dib ugu noqon doono Dagaaladii sokeeya ama fursad siin jarta in Kooxaha Argagixisada iyo Ethiopia ay Dalka kala qeybsadaan.

342980cookie-checkKhataraha Ku Gedaaman Siyaasada Jilicsan ee Maamulka Villa Somalia Oo Dalka u Horseedi kara Kala Qeybsanaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *