Ma Dhabaa In Mr.Kheyre Safar Laga Hor-Istaagay

Somalia news

Kulan aan saxaafada loo ogoleyn ayaa Xalay ku Dhex maray Hooyga uu Dagan yahay Ra iisal wasaarahii hore iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Kulankaan ayaa looga dooday qodobo badan oo ay ku jiraan isbedel aad Hogaanka, geedi socodka Kulanka Dhuusa Mareeb-3 iyo Ciidamo ka amar qaadan jiray Mr.Kheyre….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay, in Mr.Qorqor uu kaalin ka qaatay sidii loo xalin lahaa Tiro Saraakiil iyo Ciidamo ay kala hogaamiyaan Horjoogayaasha Kala ah Saadiq Joon iyo Farxaan Qaroole loogu deyn lahaa iney xilalkooda sii hayaan, kadib Xil ka qaadistii Mr.Kheyre iyo Demintii Internet-ka Konfurta Somalia Oo uu amarkaasi Bixiyay Mr.Farmaajo isagoo kaashanaaya Adeege Fahad Yasin.

Dhanka Kale, Waxaa cabsi xoogan ku timid Amaanka Mr.Kheyre Kadib falkii Shalay ay ku kaceen Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee Gudaha Madaxtooyada, Waxaana laga cabsi qabaa in la shirqoolo, waxaana la xoojiyay amaanka Mr.Kheyre.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la xakameeyay Dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo laga hor istaagay safar Dibeda ah uu ku tegi lahaa Mr.Kheyre, waxaana Xafiiskiisii la geeyay Kooxo Barayaal Hantidhowrka ka socda.

51510cookie-checkMa Dhabaa In Mr.Kheyre Safar Laga Hor-Istaagay