Baarayaasha Kiiska Ikraan Tahliil Oo Loo Diiday Muuqaalada Cc-Tv

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Caqabado soo wajahday Baarayaasha Kiiska Ikraan Tahliil, kadib markii loo diiday iney baaris iyo dib u eegis lagu sameeyay Muuqaalada keydka ah ee CCTV-yada ee Kaamerooyinka qarsoon gudaha iyo hareeraha Xarunta NISA iyo tan Gobolka Benadir…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in is-hortaaga baarista iyo ka gungaarida Cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil, talaabadaan ayaa la sheegay iney caddeyn u tahay Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday iyo eedeysanaha Fahad Yasin aysan diyaar u aheyn iney gacan ka geystaan Cadaalad u raadinta Sarkaaladii NISA ee la afduubtay kadibna la Dilay.

Xeeldheerayaasha arrimaha gudaha ayaa sheegay in” Kiiskaan uusan aheyn mid Siyaasadeed balse uu yahay mid fal-dambiyeed lagu galay magaca iyo awooda Xafiisyada Dowladda”, loona baahan in loo istaago sidii Cadaalad ay u heli lahaayeen Qoyska Gabadha ka maqan tahay.

Dhanka kale Waxaa soo shaac baxaaya Hanjabaado dil xambaarsan iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu hayo Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, iyadoo la sheegay in Saraakiil ka tirsan Villa Somalia, NISA Gobolka Benadir iyo Taageerayaasha CBB ay ku Hayaan Ehelada iyo qaraabada, talaabadaan ayaa loo arkay mid culeys lagu saaraayo iney joojiyaan cabashada iyo Dacwada Kiiska oo ay qaataan mag iyo dhaqaale buuran.

141670cookie-checkBaarayaasha Kiiska Ikraan Tahliil Oo Loo Diiday Muuqaalada Cc-Tv