Khilaaf Soo Kala Dhex Galay UAE & Maamulka Hargeysa

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex galay Dowladda UAE iyo Maamulka Muuse Biixi kadib markii Uu Magaalada Hargeysa ku Qaabilsan Ergaygii Qatar Mr.Qaxtani oo todobaadkii tagay safar ku tagay Magaalada Hargeysa laguna Qaabilay Xarunta Maamulka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijisay in Saraakiisha Dowladda UAE ay fariin adag u dhiibeen Madaxa DP World, waxeyna sheegeen iney ka caroodeen in Ergayga Qatar lagu soo dhoweeyo garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa isla markaasna lagu qaabilo xarunta Dowladda, waxeyna sheegeen iney ka fiirsanayaan xiriirka ay la leeyihiin Maamulka Muuse Biixi.

Saraakiisha Socdaalka UAE ayaa la sheegay iney joojiyeen viisayaashii (Dalkugal) la siin jiray Dadka rayidka ah sababo la xiriira amaanka iyo xiriirka u bilaawday Maamulka Muuse Biixi iyo Dalka Qatar, iyadoo Dowlada Dooxa lagu eedeeyo iney xiriiro la leedahay Kooxaha argagixisada.

117670cookie-checkKhilaaf Soo Kala Dhex Galay UAE & Maamulka Hargeysa