Madaxtooyada Oo Noqotay Suuq Wax Lagu Kala Iibsado

Politics

Tiro badan oo Mas’uuliyiin,Waxgarad iyo Aqoonyahanno kasoo jeeda Qeybaha kala duwan ee Shacbiga Soomaaliyeed ayaa cabasho ka keenay Marwada iyo Shaqsiyaadka ka howlgala Xafiisyada Madaxtooyada, iyadoo lagu eedeeyay iney ku aad tagri faleen awooda Xafiiska Madaxweynaha….

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay, Xafiiska Madaxtooyada uu noqday Suuq lagu kala Iibsado Xilalka, Mashaariicda horumarinta iyo Qandaraasyada, waxaana awoda Xafiiskaasi si toos ah ula wareegtay Marwada iyo xubno la shaqeysta kuwaasoo u soo diyaariyay Barnaamijyada, Mashruucyada iyo Xilalka la magacaabaayo.

Talaabadaan awooda dheeriga ah ee Marwada Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay iney tahay dhaqan ugub ku ah Nidaamka Dowladeed, waxaana lagu eedeeyay iney ku dhex milantay siyaasada, Dhaqaalaha, Magacaabista Xilalka dalka, Ogolaashaha Mashaariicda iyo Qandaraasyada.

Hadaba, Waa markii ugu horeysay oo ay dibada u soo baxay cabasho ay qabaan tiro badan oo Muwaadiniin iyo qeybaha kale ee Bulshada, iyadoo bilo yar ay u dhiman tahay muddo xileedka Mr.Farmaajo, waxaana loogu baaqay inuu saxo khaladaadka Ka Jira Xafiisyada Madaxtooyada.

34350cookie-checkMadaxtooyada Oo Noqotay Suuq Wax Lagu Kala Iibsado