Hey’addaha FAO Iyo USAid Oo Iska Kaashanaya Dagaalka Ayaxa

Health


Howlgal hawada looga buufinayo Ayaxa ayaa ka bilaabanaya Somalia, kaasoo ay iska kaashanayaan Hay’adda FAO iyo USAid…..

Laba diyaaradood oo nooca yaryar ee Helikobtarka ah ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho, iyagoo ka howlgeli doona Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo ay dhinaca hawada ka buufin doonaan Ayaxa faraha ba’an ku haya degaanadaasi.

Mashruucan oo ay fulineyso Hay’adda cuntada iyo beeraha Q/Midoobay ee FAO waxaa maalgelinaya Hay’adda USAID ee Mareykanka oo bixisay kharasha diyaaradaha lagu soo kireeyay.

Shaqada ugu horeysa ee Buufinta Anyaxa ayaa waxa ay bilaabaneysaa Maanta, waxaana laga bilaabayaa deeganada Maamulada Galmudug & Puntland.

34310cookie-checkHey’addaha FAO Iyo USAid Oo Iska Kaashanaya Dagaalka Ayaxa