Ma Dhabaa In Muqdisho Laga Dejiyay ‘Madax Ari’ Oo Laga Keenay Dalka Dibaddiisa & Sababta..

Somalia news

Sanadkii ugu dambeeyay waxaa Maamulka Xasan Gurgurte u furay Suuqyada magaalada Mogadishu Ganacsato Shisheeye ah oo u badan Turki iyo Masaari kuwaaso furtay Bunuug u sahla iney Ganacsigooda keenaan magaalada, waxey Dagaal toos ah kula jiraan Ganacsatada Khudaarta, kuwa Noocyada Dalagyada Beeraha iyo Xoolaha…

Bilihii ugu Dambeeyay waxaa Suuqyada magaalada Mogdishu lagu soo harqiyay Canbe qiimihiisu yahay 2-US$ ah oo laga keenay Egypt iyo tiro noocyo kale oo Khudaar ah, Haddaba maxaa kajira in suuqyada muqdisho lagu iibinayo madaxa Ariga oo dibeda laga keenay loona soo iib geeyay Somalia.

Badeecadaha lagu iibiyo suuqyada yar yar ee loo yaqaanno [Super market-yada] ayaa la rumeysan yahay in badankood laga keeno Dalka dibaddiisa, hase yeeshee dad badan ayey layaab ku noqotay hadalka ah ‘in dalka la keeno madax ari’, iyadoo lawada ogyahay in Somalia ay dalka dibaddiisa u dhoofiso xoolaha nool oo ay dhaqashadooda caan ku tahay.

Xiriir aan la sameynay mid kamida suuqyada ugu caansan magaalada Muqdisho, ayaa inoo sheegay iney iibiyaan noocyada kala duwan ee hilibka xoolaha oo uu ki jiro madaxa xoolaha, hase yeeshee waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen in hilibka ay iibinayaan uu yahay mid laga keenay dalka dibaddiisa.

Marka la eego qaabka uu u habeysan yahay madaxa iyo sida loo diyaariyay waxa ay muuqaal ahaan ka duwan yahay sida suuqyada caadiga ah ee Muqdisho ee lagu iibiyo hilibka xoolaha ay u diyaariyaan, arrintaasi waxa ay dadka ku badin kartaa walaaca laga muujinayo in madaxa ariga laga keenay dalka dibaddiisa.

Sawir ayaa waxaa lagu daabacay bogga Facebook ee suuq iibiya noocyada kala duwan ee hilibka xoolaha iyo adeegyada kaleba, kaasoo laga leeyahay dalka Libya bishii 21 kii bishaan October, waxana lagu magacaabaa, [ Summit Company for Importing Foodstuffs], iyadoo barta ay ku leeyihiin Facebook-ga ku baahiya waxyaabaha la xiriira badeecadooda.

284760cookie-checkMa Dhabaa In Muqdisho Laga Dejiyay ‘Madax Ari’ Oo Laga Keenay Dalka Dibaddiisa & Sababta..