Maxaa Xiligaan Ku Riixay in Xafiiska UNPOS uu Soo Saaro Maab Kala Qeybinaaya Degaanada Dalka..

Politics Somalia news

Dhibaatada Dalka 34-ka sano iyo dheeraadka heysata syaa ay in Xafiisyada UN-ka iyo kuwa Safaaradaha Reer Galbeed ay ka mid noqdeen Dhibaatada kala qeybinta Dalka, iyadoo dhawaan Khariidad siyaasadeed ee uu ku soo bandhigay Bartiisa X Mr.Paul-André Wilton, Horjoogaha Kooxda Xasiloonida, Amniga iyo Caddaaladda ee FCDO Somalia, ayaa ku sheegay in aanay ahayn mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida Somalia…

Fariimaha khaldan ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegga Mashaariicda (UNOPS) soo saareen kuwaasoo dhiiri gelinaaya iney ku shaqeynayaan khariidadii hore ee Isticmaarka ay muujineyso in kala qeybsanaanta ay Shacbiga Soomaaliyeed oo degaanada ay ku shaqeeyaan, waana ayaan darro in Xafiisyadaan ay noqdaan kuwo laga abaabulo kala dhantaalida Midnimada iyo Wadajirka Dalka.

Waxaa adag in la fahmo sababta ay Howlwadeenada UNOPS u daabacday Map ay ku taageereen Dowladda Federaalka, EU, UNDP, UK Aid iyo Deutsche Zusammenarbeit, ku darsoo Sanadkii 2023 Xoogaga Maamulka gooni goosadka ee Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ku garaacay duqeymo socday muddo lix bilood ah, kuwaasoo sababay dhimasho, burbur iyo barakac ayaa laga hadlin lana marin cadaalada Kuwii geystay gabood falkaasi.

Khariidadahaan siyaasadeed waxay xambaarsan yihiin fasir siyaasadeed oo xambaarsan cawaaqib xumo, UNSOM waxay ka guurtay siyaasadii hore ee ahayd “wax dhib ha yeelina” ee siyaasada Somalia, waxayna u ogolaatay UNOPS inay taageerto sheegashada gooni isu taagga ee ka qayb qaadanaysa hubanti la’aanta juqraafiyeed ee Geeska Afrika, taasoo sii dhiiri gelisay in Heshiiskii Is-faham badeed ee sharci-darrada ahaa ee dhexmaray Ethiopia iyo maamulka gooni-goosadka ee Waqooyiga lagu adkeysto.

Khariidadda UNOPS ee Somalia soo saartay waxey dhiiri gelineysaa kala qeybsanaanta Dalka iyo mabda’a dhexdhexaadnimada ah ee dhamaan hay’adaha Qaramada Midoobay ay u hogaansamaan, iyadoo Dhexdhexaadnimadu ay fareyso ineysan ku milmin Is-qabqabsiga Maamulada Dalka ka dhisan ee ku salaysan siyaasad, midab, diin, ama fikradeed, kuna ekaadan taageerida Shacbiga Soomaaliyeed.

Madmadowga ka muuqda Khariidadaan waxaa looga fadhiyaa iney hadlaan Cambaareyaan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta ee Dowladda Federaalka ee ku aadan Khariidadda Siyaasadda UNOPS ee Dalka, iyadoo Khaladaadkaan uu horseedi karo in la is weydiiyo sida ay Madaxda Federaalka uga go’an tahay ilaalinta Midnimada iyo Madax-bannaanida ee ku xad-gudbida Dowladaha Madax-bannaan ama Hay’adaha Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ama Hay’adaha Caalamiga ah. sida Midowga Yurub.

343640cookie-checkMaxaa Xiligaan Ku Riixay in Xafiiska UNPOS uu Soo Saaro Maab Kala Qeybinaaya Degaanada Dalka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *