Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Degaanka Magaalada Hargaysa oo Xabsiga la dhigay & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay Xabsiga dhigeen 3-Xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka, kadib markii ay ka hor yimaadeen qorshe Dad Danyar ah lagaga rarayo Goob dhisme Degmo loo qorsheeyay in laga dhiso…

Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha xabsiga la dhigay magacyadooda lagu sheegay Siikaawi, Siciid Jaamac iyo Fidaar, sida uu baahiyay MMTV Xoogaga Amaanka ayaa jidhdil u gaystay markii la qabanayay Fidaar, Khilaafka sababay xariga Xubnahaan ayaa ka dhashay khilaafka ka taagan goob ku taala suuqa Gobonimo oo ay dowlada hoose ka dhisayso dhisme cusub oo ay yeelan doonto xarunta Degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargaysa, iyadaoo la amray in xoog loo adeegsado Dad danyarta ah.

Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa dhaliilay qorshaha dowlada hoose, isaga oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, wuxuuna ku baaqay in shacabka loo tudho, wuxuuna ku goodiyay inuu hoggaamin doono kacdoon Shacab, Duqa Magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay hore saaxiib dhaw u ahaayeen Xildhibaan Barkhad Batuun, ayaa dhaliisha Batuun si deg deg ah uga jawaabay, isaga oo sheegay inuu isagu ka talinayo danta Dadka.

323660cookie-checkMas’uuliyiin ka tirsan Golaha Degaanka Magaalada Hargaysa oo Xabsiga la dhigay & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *