Xoogaga Amaanka Hargeysa Oo Howlgalo Fuliyay

Somalia news

Wararka hordhac ah ee naga so gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamo farabadan oo ka tirsan Boliiska iyo kuwa sirdoonka Maamulka Somaliland ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay waday howgalo lagu sugaayo Amaanka magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama, kadib markii xogo amaan la soo gaarsiiyay Xafiisyada Sirdoonka…

Ilo wareedyo loo qaaten ah ayaa sheegay in Xoogaga Sirdoonka Maamulka Somaliland ay fashiliyeen weeraro lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwo Argagixiso ah, iskla markaana la xusay in lala damacsanaa Magaalada Hargeysa, Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka isticlaamaya waddooyinka, iyagoo su’aalo dhowr ah weydiinaya dadka shacabka ah ee gaadiidka dadweynaha saaran, sidoo kalena xog-wareysi la yeelanaya dhalinyarada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha laamaha amniga Somaliland oo ay uga hadlayaan weerarada la fashiliyay, waxaana saacadihii ugu dambeeyay siweyn loo adkeeyay amniga Hargeysa iyo Magaalooyin kale.

60340cookie-checkXoogaga Amaanka Hargeysa Oo Howlgalo Fuliyay