Maamulka Hargeysa Oo Shuruud Ku Xiray Midowga

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ee ka arrimiya Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu la midoobo Somalia, ilaa laga helaayo Somali-weyn, Degaanada Waqooyiga Somalia ayaa Sanadkii 1991 ku dhawaaqay iney ka go’een Somalia inteeda kale…

Mr.Biixi Oo ka hadlaayay Munaasabada 26-ka Juun, taasoo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa biyo qabow ku shubay rajo uu muujiyay Mr.Farmaajo, taasoo ah inuu ku dhiiran doono iney mar kale midoobaan Gobolada Waqooyiga iyo Konfurta.

“1-da July 1960, ayaan la midownay Somalia shuruud la’aan, shardiga kaliyah Oo aan ku xirnay waxey aheyd Shanta Soomaali in la isla doono, arrinkana halkeedii ayeey taagan tahay, annagana halkaasi ayaan joognaa, Ninkii diidana isagaa Daali” ayuu sheegay Mr.Biixi.

Si kastaba ha ahaatee dhawaaqyada ku saabsan mar kale iney midoobaan Gobolada Konfurta iyo Waqooyiga ayaa noqday hadalo lagu rati kacsado Maalmaha Xoriyada ee Siyaasiyiinta Soomaalida Oo aan argati fog iyo qorshe cad muujin sida lagu xalin karo Khilaafka u dhaxeeya Gobolada kor ku xusan.

Waxaana looga baahan yahay Siyaasiyiinta Labada dhinac iney si Dhab ah oo qoto dheer looga wada hadalo Qodobada muhiimka ah, iyagoo looga fadhiyo in ficil loo bedelo Wada hadalada oo beenta laga daayo Shacbiga Soomaaliyeed.

44000cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Shuruud Ku Xiray Midowga