Dabeylaha Is-Bedel-doonka Siyaasada Dalka & Dibin-daabyada Maamulada Gobolada…

Politics Somalia news

Dalka Somalia ayaa waxaa in muddo sanado ah si gaabis ah uga shaqeynaayay Maamulada Gobolada oo Magacyo beeleed huwan kuwaasoo intooda badan Sharciyadii lagu doortay ka dhacday halka qaarkood ay ku dhiiradeen iney mar kale jebiyaan Xeerarkii muddo xil-heynta Doorashada ay dhigteen kana dhigtaan mid Boqortooyo…

Hogaanka Jilicsan ee Villa Somalia ayaa markii la doortay si sharci darro ah kula heshiiyay Maamulada Gobolada Galmudug, Hirshabelle, Konfur galbeed iyo Jubbaland iney muddada kororsadaan waxeyna talaabadaasi dhaxal siisay iney xaalado abuur cusub iyo khilaafyo la yimaadaan isla markaasna Maamulada Konfur Galbeed iyo Jubbaland ay taageero weydistaan Dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Dabeylaha Is-bedelka Maamulada

Maamulka Konfur Galbeed ayaa noqday Midkii xariga ka jaray Khilaafka kala dhaxeeyo Villa Somalia, maadama uu qorsheystay inuu ka qabanqaabiyo doorasho u gaar ah degaanada Baydhabo ama Baraawe ayna taageerayaan Ciidamada AMISOM (Ethiopia) inkastoo isku daygaan dambe uu fashil ku soo dhamaaday isla markaasna ay muuqato saan saan tilmaameysa in Gobolka Shabeelada hoose uu gacanta Maamulkiisa ka baxeyso dhaqaalaha ugu badna ka helo.

Maamulka Jubbaland oo Hogaanka Axmed Madoobe xooga iyo Caburinta Beeshiisa ku heysto ilaa Sanadkii 2013-kii isla markaasna xiriirka kala dhaxeeya Villa Somalia xiligaan lagu tilmaamo (dhuxul-dambas huwan) iska markaasna si fudud u geli karo khatar, inkastoo sanooyin dambe uu Horjoogahaan ahaa Bukaan socod degaanka kaga maqnaa Dalalka Kenya & UAE xaalado Caafimaad awgeed.

Axmed Madoobe oo Maamulka Baarlamaankiisu dhawaan u ansixiyeen in la bedelo qodob ka mid Dastuurka Maamulka kana hor istaagaya in mar kale isku soo taago Xilka Hogaanka Jubbaland waxeyna takaabadaasi horseeday in Villa Somalia ay baajiso Kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) kaasoo lagu qaban lahaa magaalada Kismaayo.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaan ku jirin qorshe dib u doorasho, waxaana lagu sababeynayaa in Ciidamada Degaanadaasi ku sugan ay ka amar qaataan Hogaanka Villa Somalia waxeyna yaqiinsadeen ineysan mar kale u heli karon dib u doorasho inkastoo Hogaanka Maamulka Galmudug uu taageero weydistay Maamulka falaagada ka ah Villa Somalia.

343690cookie-checkDabeylaha Is-Bedel-doonka Siyaasada Dalka & Dibin-daabyada Maamulada Gobolada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *