Injineer ka Tirsan Shaqaalaha Hormuud Telecom oo Ka badbaaday Qarax lagu Xiray Gaarigiisa…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa isku dil oo la la beegsaday shalay Injineer ka tirsan Shaqaalaha Shirkada Hormud Telecom, Dhacdadan ayaa ka dhacday Degaanka Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho, xili uu Injineerka uu doonayay inuu ka soo shaqo tago gurigiisa…

Goob joogayaal iyo ilo wareedyo ka tirsan Shirkada ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu haleelay Injineerka oo aan wali gudaha u gelin gaariga, taasoo ka badbaadisay in uu wax yeelo ka soo gaaro, Khasaaraha ayaa ku kooban gaariga, iyadoo gaariga lagu xiray Miino, tuhumo badan ayaa la tilmaamaya oo ay kamid yihiin Kooxaha Argagixisada iyo Xoogagii Daacada u ahaa Farmaajo iyo Fahad.

Waana weerarkii 13-aad ee lagu beegsado Shaqaalaha, Gaadiidka, iyo Kaabayaasha shirkadaha tan iyo 7-dii bishii November, talaabadaan ayaa sii xoojisay walaaca laga qabo Amniga Shaqaalaha iyo Qalabka Hormuud Telecom, Dhacdadii ugu dambeysay ee khasaaraha badan dhalisay ee Isniintii tagay, ayaa waxaa lagu weeraray booyad shidaal oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta bar ilaalo oo Ciidamada ku leeyihiin Xaafada Waxarcadde.

Ku darsoo, Weerardaan ayaa joogto noqday, haddana ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada mowjadaha weerarada, taasoo sii kordhinaysa cabsida ku xeeran shirkadda Hormuud Telecom, Hey’adaha Amaanka (Boliiska & NISA) ayaa ku kufay wax ka qabashada Dhibaatada lagu hayo Hantida iyo Shaqaalaha Shirkada.

296120cookie-checkInjineer ka Tirsan Shaqaalaha Hormuud Telecom oo Ka badbaaday Qarax lagu Xiray Gaarigiisa…