Ma Dhabaa in Beesha Caalamku Diyaarineyso Kulan ay u Qabaneyeso Golaha Wadatashiga Qaran & Sababta..

Politics Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaameysa in kadib markii ay Madaxtooyada Villa Somalia xal u weysay in qabato Kulankii caadiga ahaa ee Golaha Watashiga Qaran kaasoo lagu waday in go’aano looga gaaro Qodobo Masiiri ah ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay diyaarineyso kulan ka dhici doona xeyndaabka Xalane, oo ay ka soo qeyb gali doonaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo kuwa dowlad goboleedyada….

Kulankaan ayaa noqon doona isku dayga 4-aad oo Madaxda Maamulada Gobolada & Dowlada Federaalka kadib markii saddex kulan oo hore u baaqdeen khikaafyo jira, ariimo la xiriira Amniga iyo martigelinta kulanka waxaa dushe sarw ka hagi doontaa UNSOM iyo USA, inkastoo warar aan la xaqiijin ayaa sheegayaa in Madaxweynaha Villa Somalia uu dadaal ugu jira inuu qabto kulan uu isaguna soo agaasimo ka hor inta aan la qaban kulanka ay wadaan Beesha Caalamka, Wuxuu rajeynayaa iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo qeyb galaan Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen.

Kulanka ay Beesha Caalamka wadaan waa fursadda ugu dambeysa ee madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lagu wada keeni karo, waxaana la filayaa in lagu dejiyo Nidaam doorasho (roadmap) oo ku saabsan Doorashooyinka Maamul-Goboleedyada iyo tan Federaalka oo lagu wado inay ka kala dhacaan dhammaadka 2024 iyo bartamaha 2026, Doorashadan ayaa noqon doonta mid si wadajir ah loogu qanacsan yahay oo ay dhamaan dhinacyadu oggol yihiin, si loo helo kalsooni iyo xasilooni siyaasadeed.

Doorashooyinka la qaban doono ayaa la hubin iney noqon doonaan kuwo dadban, waxaana suuragal ah in Madaxweynaha cusub lagu soo doorto teendhada Afasiyooni, maadaama aan heshiis kale laga gaarin qaab doorasho oo ka duwan, iyadoo dowladda hadda jirta aysan heysan waqti ku filan oo ay ku bedesho qaabkaasi.

343840cookie-checkMa Dhabaa in Beesha Caalamku Diyaarineyso Kulan ay u Qabaneyeso Golaha Wadatashiga Qaran & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *