Ma Dhabaa in Isbedel Lagu Sameynaayo Hogaanka Boliiska Todobaadkaan Gudihiisa..

Politics Security Somalia news

Sida ay xaqiijinayaa Xogo loo qaateen ah waxaa lagu wadaa in Kulanka Golaha Wasiirada ee Berito oo Khamiis isbedel lagu sameyn doono Hogaanka Taliska Boliiska, iyadoo lagu wado in loo magacaabo Mr.Asad Cusmaan (Diano) oo ka soo jeeda Degaanada Gobolka Bari (Puntland) Taliyaha Boliiska..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulanka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan Gudoomin doono Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mr.Saalax Axmed Jaamac, Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Gen. Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin Wasiirks 1-aad Xamsa qaraabo hoosena la ah, Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo Mr.Xamse uu hal dhinac marsaday xilalka Beelahe Daarood.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano, Senatoro iyo Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo Madaxweynaha dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu u xaqiijiyay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca Xafiiska Wasiirka 1-aad, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xafiiska Xafiiska Mr.Xamse ay dhaqaale badan kaga qaateen Mr.Saciid Deni in Qorshaha Magacaabista Mr.Asad la meel marsiinin, si kastaba haddii lagu dhawaaqo magacaabista Asad Diyaano waxey ku soo aadeysaa, ayada hadda ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii ay Saaxiibada Somalia ay digniintii ugu dambeysay siiyeen baaqay Saciid Deni inuu joojiyo Mucardnimadiisa kana qeyb galo Kulanka Golaha Wadatashiga.

344340cookie-checkMa Dhabaa in Isbedel Lagu Sameynaayo Hogaanka Boliiska Todobaadkaan Gudihiisa..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *