Wararkii ugu Dambeeya Weerarkii ka Dhacay Maqaayada Pearl Beach ee Xeebta Liido.

Somalia news

Weerar qaraxyo ku bilowday ayaa xalay fiidkii maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka ku qaadeen Maqaayad ku taala xeebta Liido oo lagu magacaabo Pearl Beach, iyadoo ay qaadatay ilaa saacadu Am-03,00, waxaana soo af jarida ka qeyb qaatay Qeybaha Boliiska & NISA…

Weerarka kooxda Argagixisada ku qaadeen maqaayada ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, iyadoo labada Alaab ee Maqaayadu leedahay ay argagixisadu qaraxyada xigay iyo Dabley hubeysan oo tiradadoodu lagu qiyaasay 6-7 Maleeshiyo, waxaana la sheegay iney tiro 10-Qof lagu qiyaasay iney ku dileen oo isugu jira Askar iyo Rayid dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 30-Qof, Hoteelka ayaa xiligaasi ku sugnaayern ilaa 200-Qof oo rayid ah, lama soo sheegin iney ka mid ahaayeen Saraakiisha Dowladda.

Dableydaan ayaa labisnaa Dharka Ciidamada Dowladda, kooxda Shabaab oo war ka soo baxay ayey ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka xalay ka dhacay xeebta Liido, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in Dableyda hubeysan ee katirsan kooxdooda la wareegeen dhismaha maqaayada.

Dhanka kale waxaa magaalada dib uga soo cusboonaday aasida Miinooyinka, iyadoo ay shalay miino lagu kala xiray Xaafadaha Weydow iyo Degmada Kaaraan kuwaasoo aan lasoo sheegin waxyeelada ay geysteen, sidoo kale Caruur ayaa Degmada Qoryooley Miino kula qaraxday goob ay Kubad ku ciyaarayeen, waxaana la sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus.

Maamulka Villa Somalia ayaan wali war kasoo saarin weerarka caawa ka socda xeebta Liido, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka Shabaabku ku qaadeen maqaayada Pearl Beach ee Xeebta Liido.

260020cookie-checkWararkii ugu Dambeeya Weerarkii ka Dhacay Maqaayada Pearl Beach ee Xeebta Liido.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com