Ceel-Biyood Lagu Burburiyay Degaanka Bacaad-weyn

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Laba qarax oo is xigxigay oo xalay ka dhacay bannaanka hore ee Degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, iyadoona lagu burburiyay ceel biyood ay dadka deegaanka biyaha ka cabi jireen….

Wararka ayaa sheegaya Ceelka la qarxiyay ayaa ku yaalay inta u dhaxeyso Bacaadweyne iyo tuulada Shabellow, kaasi oo muhiim u ahaa dadka deegaanka iyo xoolo dhaqatadaba, Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada oo ahaa kuwo is xigxigay si weyn looga maqlay deegaanka Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoos-tagga.

Waxay kaloo sheegeen in qaraxyadaasi la maqlay, xilli uu aad u xadidnaa dhaqdhaqaaqa Dadka rayidka ah ee ku nool Bacaadweyne iyo tuulooyinka ku teedsan, sababo ku aadan dadka oo baqdin wajahaayay muddooyinkii ugu dambeysay, ka dib markii Shabaabku ku soo xoogeysteen tuulooyinka ku dhow dhow Bacaadweyne.

ilaa hadda Ma cadda sababta loo bartilmaameedsaday ceel biyoodkan, waxaase loo fasirtay mid qayb ka ah culeyskii ay maleeshiyaadka Kooxda Shabaabku ku hayeen deegaanka Bacaadweyne oo aad uga soo horjeeda diidayna iney degaankooda maamulaan.

84930cookie-checkCeel-Biyood Lagu Burburiyay Degaanka Bacaad-weyn