Maxkamad Kenyan ah Oo Xukun Ku Riday Safaarada Somalia ee Nairobi..

Africa News Somalia news

Maxkamadda Kenya ayaa ku amartay Premier Bank inuu sii daayo KSh 26 milyan oo u dhiganta ($201,942) oo ka soo baxay xisaabaadka Safaaradda Somalia ee loona shubo Shirkadda Kingsly Construction Limited, iyadoo soo gebagebeysay dacwad muddo saddex sano ah u dhaxeysay oo ku saabsaneyd howlo dib u dayactir ah oo ka socday dhismaha safaaradda ee Nairobi. Maxkamadda ayaa diiday sheegashada Howlwadeenada Safaarada ee xasaanadda diblomaasiyadeed…

Dacwadaan oo soo bilaabtay Sanadkii 2016-kii, kadib markii Howlwadeenada Safaarada ay Qandaraas ku siisay Shirkadda Dhismaha ee Kingsly Construction Limited iney dayactiraan dhismaha Safaarada ee Xaafada Kilimani, Saamileyda Shirkadda ayaa ku eedeysay in Howlwadeenada iney ka gaabiyeen iney bixiyaan dhaqaalaha lagula heshiiyay, waxaana saamileyda ka mid ah Danjiraha Somalia (Fathudin Ali Mohamed) ee xiligaan Turkiga ugu metela Somalia.

Qareenada ka Wakiilka ah Safaarada Somalia, ayaa ku dooday in dhaqaalaha ku jira xisaabaadka safaaradda lagu ilaaliyo xasaanad diblomaasiyadeed sida uu dhigayo heshiiskii Vienna ee xidhiidhka diblomaasiyadeed (1961), Danjire Jabriil Cabdulle ayaa sheegay in dhaqaalahaasi lagu soo xareeyay Baasaboorada iyo Fiisaha dal ku galka, ay yihiin kuwo diblumaasiyadeed oo xukun Maxkamad degaan lagu bixin karin.

344710cookie-checkMaxkamad Kenyan ah Oo Xukun Ku Riday Safaarada Somalia ee Nairobi..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *