Maxaa ka dhab ah in Xarunta Madaxtooyada Noqotay Goob-Xatooyo..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuuqul insaanka, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa habeen hore laga xaday taleefankeedii gacanta (Mobile), intii ay socotay munaasabadda xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Villa Somalia…

Wasiir Khadiija ayaa kasoo muuqaatay Muuqaal sekeno soconaya, iyadoo markaas marba dhinac usocota kuna dhawaaqeysa erayo ay ku baadi goobayso teleefankeeda, Intii uu muuqaalku socday Wasiir Khadiija ayaa ku dhawaaqaysay erayo ay kamid yihiim “Taleefoon yaa inta ka qaaday?”.

Sidoo kale wasiir Khadiija oo Xoog u qaylinaysa ayaa Dadka goobta joogay waxay ay waydiinaysay cidda Teleefankeeda ka dul qaaday miis yar oo uu usaarnaa, War taleefankeygii yaa qaaday intaan ayaa meesha joogtee?” ayay mar kale cod dheer ku tiri, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Muuqaalkaasi oo si qarsoodi ah loo duubayay ayaa ku baahay baraha Bulshada, si wayn ayaana loogu maadsanayaa ficilkaasi xalay ka dhacay xaruntii dalka looga ariminayay ee Villa Somalia, iyadoo Xaruntaasi noqotay goob aan amaankeedu sugneyn laga cabsi qabo in Xatooyada ay sii socoto.

263760cookie-checkMaxaa ka dhab ah in Xarunta Madaxtooyada Noqotay Goob-Xatooyo..

3 thoughts on “Maxaa ka dhab ah in Xarunta Madaxtooyada Noqotay Goob-Xatooyo..

  1. Oh no!
    If phone not found then expect some naked pictures to be posted soon,Waxkasta ka filo daskeena,a senior in a swim suit.
    When the Emperor is naked what do you think of his subjects?
    Ilma Abahood iyo Hooyadood tuugo yihiin waxkasta ka filo.Wasiiro is xadayo. Xasan Shiikh?
    If the phone is IPhone then hard to access,impossible. She can use find my phone tracking. The thief doesn’t live far
    one open jail that is hosting our strong federal government.
    If Android phone,it’s worst to be Khadija.First suspect is the one who is filming secretly

  2. Moryaanta Abshir Bukhaari ayaa xaday. Hadii qof kale xaday waxuu ka fiirin laha boqolaalka camero ee uu meelkasta ku dhagsaday

  3. Anigu haddaan aad u rogrogay, waxa aan u malaynayaa in kooxda Dembi Jadiid iyo Dulmijir ay ka xadeen telefoonka!

Comments are closed.