Gaari Miineysan oo Lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta Mogadishu..

Somalia news

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah Degmada Dayniile ee Gobolka Benaadir, kaasoo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimada, isla markaasna geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo kala heer ah…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaaya in Qaraxaani uu ahaa Gaari Walxaha qaraxa laga soo buuxiyay, wuxuuna ka dhacay isbaaro ay Ciidamada Xasilinta ku lahaayeen halka loo yaqaan dhista Siisii oo kutaalla agagaarka aargada Degmada Dayniile, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, iyadoo laga maqlay Is-Rasaaseyn.

Waxaa la warinayaa inuu khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan is-miidaaminta ah, Dadka degaanka ayaana soo sheegayaa in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay dhismayaal ku dhaw Xerada la weeraray, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan ambalaasta, balse waxaa weli kascsan xaaladda goobta oo ay gaareen ciidamo dheeraad ah, Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, inkastoo ay socdaan gurmayo iyo baaritaano ay wadaan Xoogaga Amniga.

277080cookie-checkGaari Miineysan oo Lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta Mogadishu..