Xaflad Sagootin ah oo loo Sameeya Markabka Oruç Reis ee Sahminta Ka Bilaabi doona Xeebaha Somalia..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaflad sagootin ah oo loo sameeyay Markab Shidaal baara ee Dalka Turkiga, kaasoo maanta ka soo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, kadib markii Xaflad gaaban loogu sameeyay ayna ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Turkiga iyo Saraakiil kale Soomaali iyo Turkish ah..

Markabkaan Oruç Reis oo ah kuwo sahminta (Seismic), wuxuuna soo mari doona khadka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna ka howl geli doonaa meel u dhow biyaha Somalia dhamaadka bisha Oktoobar, Safarka waxaa la filayaa inuu qaato qiyaastii 19 maalmood, iyadoo lagu wadoo inuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15,000 KM2 laba jibaarran, hawlgalkuna wuxuu socon doonaa qiyaastii 7-Bilood.

Inta lagu jiro Baaristaan, Markabku wuxuu ururin doonaa xog la xiriirta sahminta Saliidda iyo Gaaska dabiiciga ah, Macluimaadka la ururiyay waxa loo diri doonaa Ankara si loo falanqeeyo, taasoo hagi doonta hawlaha qodista ee mustaqbalka, Markabkaan Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa ah mid ka mid ah Maraakiibta sahminta badda ee Türkiga.

345410cookie-checkXaflad Sagootin ah oo loo Sameeya Markabka Oruç Reis ee Sahminta Ka Bilaabi doona Xeebaha Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *