Ma Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu ku sii jeedo Magaalada Kismaayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa safar uu Madaxweynaha Somalia dhawaan ku gaari doono magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado inuu ka furmo Kulan looga arrinsanaayo xaalada cakiran ee Gobolka Gedo oo muddo dhowr sano ka gadoodsanaa Maamulka Axmed Madoobe…

Warar ayaa sheegaya iney jirto weli khilaafkii u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo weli taageersan Maamulkii hore ee Farmaajo kuwaasoo si hoose u wada carqaladeyn iyo arbushaad si aan loola Heshiin Axmed Madoobe, iyadoo Guddiyo dhowr ah oo loo diray si ay u nabadeeyaan ay ku fashilmeen.

Wararka ayaa sheegaya inta badan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Gedo aan la bedeli doonin marka laga reebo Gudoomiyaha Garbahaarey, oo ah halka ugu dambeyn lagu qaban doono kulanka dib u heshiisinta Maamulka Jubbaland iyo Garabyada kooxaha Gobolka Gedo.

239490cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu ku sii jeedo Magaalada Kismaayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com