Xaflad Uu Farmaajo Qabanqaabiyay Oo La Baajiyay

Somalia news

Mr.Rooble iyo Kaalintiisa kaga aadan Dhismaha Guddiyada doorasho oo ka Madax banaan Villa Somalia ayaa la filayo in dhowaan la soo magacaabo, gaar ahaan heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, waxaana lagu kala ogaan doonaa sida uu markaan saameyn ugu yeeshaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay iney kaalin weyn ku lahaayeen guddiyadii hore ee muranka ka dhashay….

Farmaajo ayaa iska wareejiyay Maamulka Doorashada iyo Amniga halka Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu muddooyinkan ugu dambeeyay ay aad hoos ugu dhacday saameyntiisa dhinaca siyaaasadda, wixii ka dambeeyay markii uu fashilmay isku daygii muddo kororsiga iyo la wareegitaankii Ra’iisul Wasaare Rooble ee howlaha doorashooyinka iyo Amniga.

Dhanka kale waxaa socon waayay Xaflad uu Farmaajo soo qabanqaabiyay oo lagu waday in lagu qabto Villa Somalia, iyadoo la rabay in casho sharaf loogu sameeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada, waxaana diiday Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyagoo sheegay ineysan diyaar u aheyn iney ka qeyb galaan Xafladaasi.

122030cookie-checkXaflad Uu Farmaajo Qabanqaabiyay Oo La Baajiyay