Markab Deeq Gargaar ah sida oo soo gaaray Dekada Muqdisho iyo Dowlada oo la wareegtay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Dekada Magaalada Mogadishu syaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ay Danjiraha Dowladda Ruushka kala wareegtay gargaar loogu talagalay Dadka ay saameeyeen Daadadka iyo Fatahaadaha is-biirsaday ee ku dhuftay Degaanno badan oo ka tirsan dalka…

Wararka ayaa sheegaya in Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Dalalka Somalia iyo Djibouti oo wakiil ka ah xukuumadda Moscow ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal,islamarkaana bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.

‘’Deeqdani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Danjiraha.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnadda gargaarka ah ayaa dhanka ka dalbaday xukuumadda Moscow in ay inoogu deeqaan diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.

‘’ Gargaarka Dowladda Ruushka inoogu deeqday waxa uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, waxaanna kala hadli doonaa sidoo kale in ay noogu deeqaan diyaarado aan gargaarka ku gaarsiino dadka go’doonsan,’’, ayuu yiri Fiqi.

290270cookie-checkMarkab Deeq Gargaar ah sida oo soo gaaray Dekada Muqdisho iyo Dowlada oo la wareegtay..