Kenya Airways Oo Joojisay Duulimaadyadii Mogadishu & Sababta…

Africa News Business Somalia news

Qoraal ay Soo saartay Shirkadda Kenya Airways ayaa ku wargelisay Macaamiisha iney joojisay Duulimaadyadii Mogadishu-Nairobi laga bilaabo 14-Oktobar 2024-ka sababo la xiriira “Caqabado dhanka Shaqada ah iyo tartanka Suuqa”, talabaadaan ayaa u muuqata mid lagu xakameynaayo Dhaqaale xumida Shirkadda…

Shirkaddu waxay sheegtay in go’aanka la qaatay ka dib “falanqeyn taxadir leh iyo tixgelin iyadoo la eegayo danta ugu wanaagsan ee Shirkadda diyaaradaha ee jawiga ganacsi ee jira,” Howlwadeenada Duulista ayaa rumeysan in go’aankan uu ku qasbey xaaladaha suuqa kadib tartan adag oo uga yimid dhowr shirkadood oo qiimo jaban ah, oo shirkad diyaaradeed oo Soomaali ah oo isku waddo ah.

Shirkadaha diyaaradaha ee Somalidu waxay bixiyaan adeeg duulimaad oo jaban, baajinta iyadoo aan wax ciqaab ah la kulmin iyo fursad ay ku iibsadaan tikidhada hal-mar ah maadaama ay inta badan isaga kala gooshayaan Somalia iyo Kenya, Diyaaradda EgyptAir oo bilaawday duullimaadyo Muqdisho bishii July ayaa lagu soo waramayaa inay soo jiidanayso macaamiil aad u badan, waxaana laga yaabaa inay kordhiso duullimaadyada labada jeer toddobaadkii.

Turkish Airlines, iyo Qatar Airways waxay horeba saami aad u wayn ku lahaayeen Suuqyada Duulimaadyada Dalka sidoo kale Ethiopian Airlines ayaa weli wada 2-Duulimaad maalintii.

346000cookie-checkKenya Airways Oo Joojisay Duulimaadyadii Mogadishu & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *