Ma Dhabaa in Xasan Sheekh uu Su Qarsoodi ah uga Degay Magaalada Jeruselem

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maalmahaan safar Qarsoodi ah ku joogay Magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta, uu u gudbay Magaalada Jeruselem oo ay xoog ku heysato Maamulka Yuhuuda..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news si hoose ula wadaagay xubno u dhuun daloola dhaqdhaqaqa safarka Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Mr.Xasan Sheekh uu ka degtay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jeruselem, waxaana ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Maamulka Netanyahu.

Khubaro Soomaaliyeed ayaa is-weydiinaya sababta uu xiligaan Xasan Sheekh ku xushay inuu Safar Qarsoodi ah ku tago Dalka Israel, iyadoo ay Duqeymo aan loo meel dayin ka geysanayaan Marinka Gaza ee go’doonsan, iyagoo sidoo kale weeraro gantaalo ku qaadaya magaalooyinka Sderot iyo Ashkelon.

Ma laga yabaa in Maamulka Xasan Sheekh uu aqoonsado Maamulka Yuhuuda!?

243530cookie-checkMa Dhabaa in Xasan Sheekh uu Su Qarsoodi ah uga Degay Magaalada Jeruselem