Dadaalo Nabadeed Oo Xal Loogu Raadinaayo Beelaha Ku Dagaalamay Xadka Hiiraan & Sh/Dhexe..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulamo nabadeed iyo dib u heshiisiineed oo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa ka socda degmada Jalalaqsi ee maamulka Hir-Shabeelle, kaasoo geystay khasaare..

Ergo uu hormuud u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa gaaray Degmada Jalalaqsi si ay ugu xoojiyaan dadaalada ay wadaan Duubabka Dhaqanka ee 2-Beelood iyo Saraakiil Amni oo loo xilsaaray dhex dhexaadinta Beelaha dirirtu dhexmartay.

Dhaqdhaqaaqaan ayaa waxaa soo dhaweeyay 2-Beelood ee wada dega deegaannadaas, waxayna sheegeen inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiinta Gobollada, Dagaal beeleedka ka dhacay Xadka ay wadaagaan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sababay Dhimasho, Dhaawac, Barakac iyo Dilal la xiriira dad rayid ah, waxaana dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka Degaanka.

305020cookie-checkDadaalo Nabadeed Oo Xal Loogu Raadinaayo Beelaha Ku Dagaalamay Xadka Hiiraan & Sh/Dhexe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com