Mas’uuliyiinta Dowlad Oo La Kulmaaya Xisbiyada Mucaaradka

Somalia news

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu kulan xasaasi ah dhex maro Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegtay iney doorsho dhinac ah qabsaneyso…

Kulanka oo ah mid aad xasaasi u ah ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka gaar ahaan go’aankii shalay ka soo baxay xukuumadda Somalia ee ku aaddanaa qabashada doorashada Hal dhinac ah iyadoo laga gudbayo tabashooyinka mucaaradka iyo labada Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Galmudug oo shalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in jawaab laga waayay madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Jubbaland, Puntland iyo Musharaxiinta mucaaradka kadib markii ay ku soo warceli waayeen.

Dad badan ayaa qaba in hadii ay Dowladda Federaalka ka dhabeyso iney qabto Doorasho aan loo dhameyn ay talaabadaasi Dalka u horseedi doonto qalalaase siyaasadeed iyo amniga Dalka oo faraha ka baxa, waxaana shaki ku jirin in hadda oo Gobolada Waqooyiga ay maqan yihiin hadii ay ku Biiraan Puntland iyo Jubbaland ay khatar geli doonto midnimada Qaranka.

85850cookie-checkMas’uuliyiinta Dowlad Oo La Kulmaaya Xisbiyada Mucaaradka