Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Duleedka Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag..

Security Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn khasaare dhaawacyo geystay ayaa la sheegay iney ka dhacday gudaha magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, kadib markii Xoogag hubeysan oo daacad u ksla ah Maamulka Puntland & Xoogaga Maakhir…

Wararka ayaa sheegaya in inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee Magaalada Badhan kadib markii hor istaag lagu sameeyay wefdigii (Puntland) oo doonayay iney magaalada galaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo hadda aysan gudaha magaalada gelin xubnihii sheegtay iney kasocdaan Maamulka Puntland oo ay ku sugan yihiin bannaanka balse weli isku dayayaan in ay socdaalkooda sii wataan.

346400cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Duleedka Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *