Maxaa ka Run in Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland waayi doonaan Codka Kalsoonida

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Fadhiga Baarlamanka Puntland ee Maanta ayaa lagu wadaa in la hor keeno Mas’uuliyiinta xasaanad-siinta u baahan, gaar ahaan Xubnaha Garsoorka ee Maxkamadda iyo tiro Wasiiro ah..

Wararka ayaa sheegay Inta badan Xildhibaanada Baarlamanka ayaa lagu wadaa iney diiddaan ansixinta Garsoorayaasha y magacaaban ee Maxkamadda Dastuuriga ah, Xogtaan ayaa sheegtay in xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah aysan heli doonin codka Kalsoonida Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa sheegaya in dhammaystirka Maxkamadda Dastuuriga ah loo maray sifo aan Dastuurka waafaqsanayn, Dhinaca kale Baarlamanka ayaa lagu wadaa in ay ansixiyaan xubnaha wasiirada magacaaban oo saaka hor imaan doona.

230020cookie-checkMaxaa ka Run in Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland waayi doonaan Codka Kalsoonida