Galmudug Oo Laga Hor-istaagay Duulimaad Rakaab

Somalia news

Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo ifbaxaysay kala shaki iyo kalsooni darro u dhaxeysa Mr.Farmaajo iyo Mr.Axmad Qoor Qoor, kadib markii xalay ay gaartay meeshii ugu sareeysay Khilaafkaan, iyadoo uu Mr.Farmaajo uu  is-horistaag ku sameeyay diyaarad u soo qaadi lahayd dowlada Galmudug wafdi isugu jiro ganacsato iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Dalab ay codsadeen Saraakiisha Galmudug Oo ahaa in loo fasaxo Duulimaad khaas ah, Oo Ganacsato iyo Odayaal ku tagi lahaayeen Degaanada Galmudug, halka Maamulka Koonfur Galbeed loo oggolaaday iney diyaaradaha ugu kala  safraan gudaha deeganka Koonfur Galbeed.

Talaabada looga horyimid codsiga Madaxweyne Qoor Qoor ayaan shaki ku jirin in ay la xiririto siyaasada ka jirta dalka gudihiisa, gaar ahaan Qoor Qoor oo noqday shaqsi ka madax banaan qorshaha Mr.Farmaajo.

42400cookie-checkGalmudug Oo Laga Hor-istaagay Duulimaad Rakaab