Warbixin Hordhac ah Oo La Xiriirta Amniga Maraakiibta Sahanka Ee Turkiga ee Xeebaha Somalia..

Security Somalia news World

Ilo Wareedyo loo qaateen ayaa daaha ka rogaaya in Maamulka Villa Somalia uu muddo ku howlanaa hirgelinta Unugyo cusub oo hoos taga Hey’adda NISA kuwaasoo la xaqiijiyay in laga soo xulay Ciidamada Eritrea lagu soo tababaray, Guutada Gorgor iyo tiro badan oo aan la cayimin lagana soo xulay Xoogaga kala duwan ee NISA…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ururinta Ciidamadaan oo tiradoodu lagu qoyaasay 1000-Saraakiil iyo Askari, kuwasoo la dejiyay Xero ay iska leeyihiin Hey’adda NISA kuna taal Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir, Ciidamadaan ayaa Baaris Caafimaad la marsiiyay si loo ogaado iney Balwado leeyihiin, iyadoo lagu wargeliyay iney u diyaar garoobaan Howlgal khaas ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan ay ilaalo ka noqon doonaan Raxanta Maraakiibta ee sahanka Oruc Reis Turkiga dhawaan Xeebaha Somalia soo gaari doona, Safarkaas sahminta ah waxaa ku wehlinayay laba markab oo kale oo lagu kala magacaabo Ataman iyo Cengiz Han, Aagaggaan shatiga loo heysto ayaana laga sameyn doonaa sahanno, cabbirka goobahaan ayaana lagu sheegay qiyaastii 5,000-kiilomitir laba jibbaaran iyo 1,930 mayl laba jibbaaran.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.

346460cookie-checkWarbixin Hordhac ah Oo La Xiriirta Amniga Maraakiibta Sahanka Ee Turkiga ee Xeebaha Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *