Sarkaal Horey Uga Tirsanaa Jubbaland Oo Muddo 5-Maalmood ah La’layahay..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Sarkaal horey uga tirsanaa Maamulka Jubbaland kaasoo ay eheladiisu sheegeen in muddo 5-maalmood ah lagu la’yahay magaalada Nairobi, uguna war dambeysay maalintii khamiistii la soo dhaafay, iyagoo (Qaraabadiisa) wel wel ka muujiyay Nabad-qabkiisa..

Ehalada ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Amniga ee Maamulka JL Cabdirashiid Cabdi Nuur (Janan) oo lagu waayay magaalada Nairobi, waxeyna wadeen Maalmihii la soo dhaafayay baadigobka Sarkaalkaan kuwaasoo Nairobi ka tagay dhowr goobod oo Dad sidaan loo wayay laga helay balse ilaa hadda laguma guuleysan.

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalkaan inta aan la waayin waxaa u qorsheysnaa inuu safar ku tago magaalada Garoowe ah si uu kaga qeyb galo xaflada Caleemosaarka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo la qaban doono 23-ka bishaan, Walaac badan ayay ka muujinayaan ehelada Cabdirashiid maqanashiisa ilaa hadda, magaalada Nairobi ayaa waayadii dambe afduubka noocaan ah soo korortay Dadka la afduubto ayaa ahaa kuwo la helo meydkooda iyo kuwana laga soo bad-baadiyay Burcad afduubtay.

301200cookie-checkSarkaal Horey Uga Tirsanaa Jubbaland Oo Muddo 5-Maalmood ah La’layahay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com