Xildhibaan Laga Hor istaagay in Dib Loo Soo Doorto

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya mag Baydhabo ayaa sheegaya Doorashada 5-ta Kursi ee maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah Kursi uu ku fadhiyay Xildhibaan taageero u ah Madaxweynaha wakhtigiisa Dhamaaday (Farmaajo)…

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galeed Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka hor istaagay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow inuu u tartamo Kursiga Hop#177, kadib markii sida la sheegay khilaaf hoose uu soo kala dhex galay ayna sababtay inuu u diido.

Xildhibaan Yarow ayaa ahaa Gudoomiyaha Guddiga dib u eegista Sharciga Doorashada iyo Asteynta Kuraasta Xildhibaanada ee “Hop#”, wuxuuna taageere u ahaa Farmaajo, isagoo u heystay in dib loo soo dooran doono, inkastoo riyadaasi ay hadda meesha ka baxday waxaana lagu wadaa inuu Kursigaasi ku soo baxo Mr.Cabdulqaadir Sheekh Cali Baraka oo ah Wasiir kuxigeen ka tirsan Maamulka Lafta gareen.

164970cookie-checkXildhibaan Laga Hor istaagay in Dib Loo Soo Doorto