Qeylo Dhaan Laga soo Saaray Isticmaalka Noocyada Maandooriyayaasha oo Dhibaato ku Haya Dhalinyarada..

Health Security Somalia news

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Dadka Reer miyiga oo ah kuwo dhaqanka ku adag, waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku sii dhex faafaya isticmaalka maan-dooriyaal sababay dhaqaale burbur, khilaaf gacan ka hadal joogto iyo Amaan darro baahsan oo horseeda Dagaalada Beelaha wada Dega Degaanada Gobolada Dhexe ee Somalia…

Daraasadaan ayaa lagu xusay in Xaaladahaasi waa kuwo ka dhashay isticmaalka maan-dooriyaal ay ka mid yihiin Qaadka, Tubaakada, Sigaarka dhacay iyo tiro badan oo noocyada Kaniiniyada gaar ahaan kan xanuun baabi’iyaha ah ee Tramadol, Dad ku talax tagay ayaa Gobolka Galgaduud ka geystay dilal iyo dhac, sida ay xaqiijiyeen Dhibanayaal, Xoogaga Amaanka iyo Howlwadeenada Isbitaalada.

Bukaanadaan balwada qabatima waa kuwo aan badi laheyn Mas’uuliyad iyo Amaano, iyagoo la xaqiijiyay iney Maalintii Isticmaalaan ilaa 20-Xabbo oo Kaniini ah, iyadoo Xoola dhaqatadu Dhalinyarada ah ay xoolahooda u iibiyaan si ay u iibsadaan Maandooriyaha, iyadoo Xalinta dhibaatada aan ilaa hadda Mas’uuliyiinta Degaanadaasi iska xil saarin iney xakameeyaan dhibaatada uu Dhalinyarada Degaanadaasi ku hayo Isticmaalka Maandooriyayaasha.

Dhalinyarada Xoolo dhaqatada ayaa la sheegay inay u nugul yihiin balwadan, Qofka bartana ay u fududahay inuu waqti badan u helo, mashquul badan & shaqo la’aan oo aan baadiyaha ka jirin darteed, Degaanada iyo miyiga hoostaga Gobolka Galgaduud waxaa tan iyo bartamihii sanadkan wacyi galin ka wada dhallinyaro aqoonyahano ah, culimo iyo sarakiil amni kuwaasoo ku guubabinaaya Dhalinyarada iney ka waantoobaan Isticmaalka noocyada Mandooriyayaasha & halista Caafimaad darro ee laga dhaxli karo.

346740cookie-checkQeylo Dhaan Laga soo Saaray Isticmaalka Noocyada Maandooriyayaasha oo Dhibaato ku Haya Dhalinyarada..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *