Maxaa ka Run ah Deeqa Dhaqaale Dowlada UK Ee Somalia Yaase Maamulaaya..

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Deeqda 100-Million ee UK£ ugu deeqday Somalia ayaa la heshiiska lagu xusay in mudnaanta la siinaayo in Mashaariicda Gargaarka deg-degga ah loo weeciyo dhanka Horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta, iyadoo ay ka soo baxayaan Su’aalo shaki badan dhaliyay…

Ra’iisul Wasaaraha UK Mr.Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabayaasha dhaqaalaha iyo Horumarinta Beeraha ee Somalia, isagoo carrabka ku dhaftay iney 100-Millions UK-£ ay arrinkaas u qorsheeyeen, Dhanka Somalia waxaa loo xil saaray Jaamacada Simad oo si hordhac ah heshiis ula gashay Wasaarada Degaanka Dowlada Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Dhaqaalaha uu Mr.Rishi Sunak sheegay, waxaa loogu yaboohay 14ka UK INGO’s ee ku bahoobay Daladda Bond ee ka shaqeeya Somalia iyo Dalalka Geeska Africa, si ay danaha iyo qorshaha UK loogu fuliyo Somalia iyo Geeska Africa, ee ma ahan dhaqaale Dowlada Somalia toos loogu deeqay, iyadoo ay Hey’adahaan (Simad iyo NGO-da UK) u madax banaan yihiin fulinta Mashaariicda.

Halkaan ka daalaco Qoraalka Dowlada Boqortooyada UK soo saartay:-

www.gov.uk/government/publications/somalia-uk-strategic-partnership-communique/communique-by-the-federal-government-of-somalia-and-the-united-kingdom-of-great-britain-and-northern-ireland-on-the-signing-of-a-strategic-partnership?

289040cookie-checkMaxaa ka Run ah Deeqa Dhaqaale Dowlada UK Ee Somalia Yaase Maamulaaya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com