Share the post "Doonyo Kaluumeysi Oo Lagu Kala Qabsaday Degaanka Xaabo iyo Degmada Qandala ee Gobolka Bari.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad ay ka jirto Degmada Qandala iyo degaanka Xaabo kadib markii laba doonyood oo degaanadaasi laga kala leeyahay la kala qabsaday, iyadoo Xoogaga Hubeysan ee PMPF ee Maamulka Deni ay ku lug yeesheen Xiisadahaani…
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga PMPF ay ka afduubteen Dooni Kaluumeysi oo xaawi ah ayna wakiil ka yohiin Xubno ka soo jeeda Degaanka Gardafuu, xili ay Doontaasi ka kaluumeysaneysay Khooriga Degmada Qandala ee Gobolka Bari, iyadoo is-rasaaseyn xoogani ay dhex martay Xoogaga PMPF iyo ilaalada Doonta inkastoo laga itaal roonaaday Ilaalada Doonta.
Dhanka kale, Kooxo hubeysan oo ka careysan Doonta ay Afduubteen Xoogaga PMPF ayaa ku qabsaday Doon Kaluumeysi oo laga leeyahay Degmada Qandala, ku darsoo Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale ciidamada Badda PMPF waxay gacanta ku dhigeen Dooni Xaawi ah oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha degmada Baargaal, balse Wasiirka Kalluumaysiga Cabrisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in doonida la sii daayo.