Maamulka Puntland Oo Hanjabaad Hawada u Mariyay Senatarada & Xildhibaanada Federaalka..

Somalia news

Kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Maamulka Deni ee Puntland iyo Dowladda Federaalka isla markaasna Tiro badan oo Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Degaanada Maamulkaasi wax ka bedelka Dastuurka ayaa Puntland hajnabaado hawada u marisay..

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta Puntland (Mr.Dirir) ayaa sheegay ineysan jirin cid ay matalaan Xildhibaanada iyo Senatarada Barlamaanka ee Degaan doorashadooda ay tahay maamul goboleedka Puntland, wuxuuna ku goodiyay iney talaabo ka qaadi doonaan, isagoo sheegay iney mucaarad ku noqdeen Masmulkii soo xulay.

Mr.Dirir ayaa ku sababeeyay, aamusnaanta Xildhibaanada laga soo doorto Puntland iyadoo uu sii kordhayo khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Puntland, “Qofka meesha laga soo doortay mucaarad ku noqday, xaguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn, haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay ‘’ ayuu si kulul u yiri.

Maamulka Puntland ayaa hore ugu dhawaaqay dhowr jeer 13-sano ee u dambeysay inay gebi ahaan kalsoonidii iyo Xiriirkii wada shaqeyn kala noqotay dowladda Federaalka, sababo la xiriira wax ka bedealka Dastuurka iyo Danaha gaarka ah Mas’uulka markaasi xilka ka haya Puntland, Mr.Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Saciid Dani ay joojiyeen xiriirka wada shaqeyn, iyadoo uu haatan Dacwad maanta u ugu gudbinayaa Wakiilada Beesha Caalamka ee Nairobi ku sugan.

321870cookie-checkMaamulka Puntland Oo Hanjabaad Hawada u Mariyay Senatarada & Xildhibaanada Federaalka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *