Gulufka Siyaasadeed Ee Kursiga G/Amaanka Ee Jabuuti iyo Kenya

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in maanta galinka dambe uu ka dhaco Xarunta UN-ka ee Magaalada New York, doorshada xubnaha (Dowladaha) aan joogtada aheyn ee ka mid noqonaaya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay…

Tartanka ugu adag ayaa lagu wadaa inuu dhex maro Dalalka Jabuuti Iyo Kenya, iyadoo dalalka ka tirsan golaha guud ee Qaramada Midoobay cod u qaadi doonaan, Dowlada Jabuuti ayaa gaashanka ku dhufatay codsi kaga yimid Dalka Kenya iney u tanaasusho, codeynta ayaa lagu wadaa iney dhacdo 17-ka Bishaan (Maanta).

Dalalka Jabuuti Iyo Kenya ayaa midkood bedeli doona Dalka South Afrika, waxeyna ku biiri doonaan Dalalka Mexico iyo India oo ku guuleystay Kursiga, iyadoo sidoo kale uu tartan adag ka dhaxeeyo dalalka Canada/Ireland/Norway Oo midkood noqonaaya xubin aan joogto aheyn.

Xubanaha ka mid noqonaaya Golaha Amaanka ee UN ayaa siineysan wadamada madal ay ku iibin karaan Danahooda Qaran, maadama Golaha Amaanka laga hago Amaanka Aduunka, Nabada iyo guud ahaan Siyaasada Caalamka.

Dalka Somalia, China, Russia, dalalka Ururka Islaamka, Jaamacada Carabta iyo kuwa ku hadla Fransiiska ayaa taageeray Dalka Jabuuti, halka Kenya ay taageero ka heshay Inta badan Dalalka Afrika.

42280cookie-checkGulufka Siyaasadeed Ee Kursiga G/Amaanka Ee Jabuuti iyo Kenya