Ma Dhabaa In Dowlada Dooxa ay Dhexdhexaadineyso Mahad Salaad iyo Fahad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamaya in Agaasimaha Hey’adda NISA iyo kii ka horeeyay (Adeege Fahad), ayaa la sheegay iney Dowlada Qatar ku wada casuntay magaalada Dooxa, halkasoo lagu wado in lagu kulansiiyo si khilaafka xoogan ee u dhaxeeya loo yareyn lahaa labada Nin…

Wararka ayaa sheegay in Agaasimaha NISA uu xalay maqribkii ay diyaarad khaas ah oo ay usoo dirtay Maamulka Doxa looga qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, inkastoo aan si faahfaahsan loo ogeyn safarkiisa iyo waxa uu daaran yahay xilli la og yahay in Dawladda Qatar ay saaxiib dhaw la aheyd Farmaajo iyo Adeege Fahad.

Lama oga in safarka Agaasimaha NISA ee Dooxa uu ku tagay uu kula kulmi doono Fahad Yaasiin oo khamiistii isaguna la sheegay inuu ka degay Dooxa, xilli laga dheregsan yahay in Fahad iyo Mahad iney ka dhaxeyso colaad soo jireen ah oo ku dhisan Xarakooyinka ee kala taageeraan yihiin ee Akhwanul Muslimiina iyo Wahaabiyada.

218140cookie-checkMa Dhabaa In Dowlada Dooxa ay Dhexdhexaadineyso Mahad Salaad iyo Fahad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com