Dowlada Federaalka Oo Qunsul Kuxigeenkii Ethiopia uu Qabatay 72-Saac inuu Dalka Kaga Baxo & Sababta..

Africa News Security Somalia news

Qoraal ay soo Saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowlada Federaalka ayeey Dalka kaga eriday Diblamaasi Ethiopian ah oo ka howlgalayay Safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho, iyagoo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray  “Falal aanan waafaqsaneyn Dowrkiisa Diblamaasinimo”…

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Sarkaalka la eedeeyay lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan Alias (Ali Garre), kana tirsan Ciidamada Sirdoonka isla markaasna ahaa ku xigeenka qunsulka Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho, ayaa lagu amray in uu Dalka uga baxo muddo 72-saacadood gudahood.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkaan ayaa sidoo kale la sheegay inuu Safaro ku tagay degaano ka tirsan dalka Somalia, isla markaana uu gabaad ka dhiganayay arrimo diblomaasiyadeed, Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

348000cookie-checkDowlada Federaalka Oo Qunsul Kuxigeenkii Ethiopia uu Qabatay 72-Saac inuu Dalka Kaga Baxo & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *