Yaa Fududeeyay Bixinta Warqadaha Aqoonsiga Been abuurka ah Ee Kooxda Garbahaarey

Somalia news

Macluumaad la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in fadeexad dul hoganeyso Hogaankii hore ee Baarlamaankii 10-aad oo fasaxay in 16-ka Xubnood ee sida sharci darrada ah lagu soo doortay Magaalada Garbahaarey ay si sahlan ku heleen Aqoonsiga ID-kaarka Gollaha Shacabka…

Wararka ayaa sheegay in amarka ID-karada lagu siiyay Xildhibaanada iskood isku soo doortay magaalada Garbahaareey uu bixiyay Maxamed Mursal, gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, kahor inta uusan xilka ku wareejin Sheekh Aadan Madoobe.

Dhibaatada amni ee ka dhalan karta ayaa ah in sidaan oo kale ID-kaaradda Golaha Shacabka loo fududeeyo Shaqsiyaad katirsan Kooxda argagixisada Shabaabka, kadibna ay gudaha u gudbaan, iyagoo aan la baarin, Horey ayeey Kooxda Shababka u isticmaashay aqoonsiga Hey’addaha kala duwan ee Dowladda, oo ku weerartay xarumo dhowr ah, oo isla Golaha Shacabka kamid yahay May 2014.

186180cookie-checkYaa Fududeeyay Bixinta Warqadaha Aqoonsiga Been abuurka ah Ee Kooxda Garbahaarey
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com