Xog:- Musharixiin Hub iyo Gaadiid Dagaal Ku diyaarsanaya Galmudug

Somalia news

Waxaa aad isu soo taraaya cabsida laga qabo inuu dagaal dhiig ku daato uu ku dhex maro Musharixiin Hal jufo ka soo wada jeeda kuwaasoo la sheegay iney xiligaan ku guda jiraan diyaarinta tiro gadiidka dagaalka iyo abaabul xoogan, waxeyna kala taageersan yihiin Maamulka Farmaajo iyo Xisbiyada Mucaaradka….

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa laga dareemay diyaargarow saansaanta colaadeed ayna wadaan musharixiin ku tartamaya kursi ka mida Golaha Shacabka oo halkaasi laga soo doorto kaasoo mid tirsigiisu yahay HOPE147 iyo mid la dhigay Konfurta Gaalkacyo.

Kursiga an Ayaa isku heysta oo ku loolamaya Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hore ugu fadhiyey iyo musharaxa uu wato Maamulka Farmaajo oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), ilo ku sugan Dhuusamareeb ay laga soo xigtay labada Nin ay Magaalada ku diyaarsadeen gaadiid iyo hub.

Kursiga HOPE147 iyo Mid Konfurta Gaalkacyo yaala (Odayaal vs Al-Cadaalad) ayaa ka mida tobanaan kursi oo ay si weyn ugu loolamayaan siyaasiyiin la kala safan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha xilku ka dhammaanayo ee Mr.Farmaajo, laakiin waxaa tartankan ku cusub in musharixiinta qaarkood ay isu hub urursanayaan, taasoo cabsi xoogan gelisay Dadka Degaanka.

86510cookie-checkXog:- Musharixiin Hub iyo Gaadiid Dagaal Ku diyaarsanaya Galmudug