Saraakiisha Danab ayaa sheegay iney Gacanta ku soo Dhigeen Horjoogayaal ka tursan ka tirsanaa Kooxda Argagixisada Shabaabka

Somalia news

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen Degaanada Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, kanjaroon iyo Warta Biloow ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose…

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mudadii ay ciidanku wadeen howlgalada iney gacanta kuso dhigeen Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana dhanka miinooyinka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay inay howlgaladaasi ku dileen xubno kale oo kamid ahaa Ururka Shabaabka, Carab ayaa ugu dambeyn shaaciyey in Ciidanku soo saareen Miinooyin ay dhulka kuu aaseen, isagoo ballan qaaday inay howlgalka sii wadi doonaan.

212350cookie-checkSaraakiisha Danab ayaa sheegay iney Gacanta ku soo Dhigeen Horjoogayaal ka tursan ka tirsanaa Kooxda Argagixisada Shabaabka