Share the post "Hey’adaha Amaanka Oo Howlgalo ay Qaadeen ku qaabtay Tiro Mootooyin ah & Sababta.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgalo ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Magaalada Mogadishu ayna ku soo qabteen tiro badan oo Mootooyin ah kuwaasoo lagu tuhmaayo iney qeyb ka yihiin Amaan darrada iyo Dilalka Qorsheysan ee todobaadyadii ugu dambeeyay ay Kooxda Argagixisada Shababka ka fuliyeen Caasimada…
Wararka ayaa sheegaya in NISA ayaa howlgallo ay ka fuliyeen Degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam & Dayniile waxeyna ku soo qabteen tiro badan mootooyin ah kuwaasoo muddooyinkii dambe ku soo kordhayay amaan darrada Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah Wadayaasha Mootooyinka Vekon-ta ayaa ayaa sheegay in Ciidamada markii ay qabteen ay isugu geeyeen xarumo kala duwan.
Wadayaasha Mootooyinkaan qaarkood ayaa lagu tuhmaaya iney xiriir wada shaqeyn ay kala dhaxeyso kooxda Argagixisada Shababka oo ugaarsi ku haya Ganacsatada Meheradahooda ku xiray Kaamirooyinka CCTV, Wadayaashaan ayaa la kala geeyay Xarumaha Hey’adaha Amaanka ee Degmooyinka qaar ayna ku mareen Wareysi/ hubin ay ku sameeyeen Hay’adaha Ammaanka, waxaana ay sheegeen in ay usii dheer tahay in ay wataan warqadda waddo marista ee Hay’adda Baarista Dembiyada ee C.I.D.
Saraakiisha Amaanka ayaa laga soo xigtay in howlgallada ka dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu soo qabtay mootooyin & Rag ay ku raadjoogeen Laamaha amaanka baaris lagu hayo.