Dani Oo Diyaariyay Isku shandheyn Golihiisa Wasiirada kana Hordhacaaya Go’aanka Baarlamaanka

Somalia news

Sida ay xaqiijiyeen ilo warwedyo loo qaaten ah Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa maalmaha soo socda isku shaandheyn ku sameynaya qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Puntland, kadib markii uu si hordhac ah u ogaaday in Baarlamaanku talaabo qaadaayo…

Wararka ayaa sheegay in isku shaandheyntani ay saameyn ku yeelan doonto Wasaaradaha Maaliyada, Amniga, Duulista & Arrimaha Gudaha, sidoo kale wuxuu magacaabi doona Agaasimayaal guud, Agaasime waaxeedyo iyo Saraakiil Ciidan.

Isbedelkaan uu isku shaandheynta ugu sameynayo Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay inay la xariirto kicino kasoo wajahan Baarlamaanka Puntland, kuwaasoo la sheegay inay wadaan abaabul ka dhan ah Golaha Wasiirada.

Mr.Dani ayaa xalay Kulan la qaatay Gudoonka Baarlamaanka Puntland, kaasoo looga hadlay isku shaandheynta Wasiirada, Warbixintan ayaa lagu wadaa in laga hor akhriyo fadhiga Baarlamanka ee Isniinta soo socota oo ku beegan 26 September 2022.

214760cookie-checkDani Oo Diyaariyay Isku shandheyn Golihiisa Wasiirada kana Hordhacaaya Go’aanka Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com