Shaqaalaha Shisheeyaha Oo Laga Daadgureynaayo Xarunta Xalane

Somalia news

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyay aad u kordhay tirada Ajaaniibta ka baxsanaaya xiisadaha colaadeed oo ka taagan Caasimada Somalia, Ajaaniibtaan oo intooda badan shaqaale ka ah xeyndaabka Xarunta Amisom ee Xalane, waxaana la sheegay Mas’uuliyiinta Hey’adaha iyo Shiradaha ayaa la sheegay iney cabsi ka soo food saartay xaalada ka taagan Caasimada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Madaxda Hey’adaha ayaa waxey ku reebeen xarumahooda tiro yar oo shaqaale ah kuwaasoo lagu sheegay “Essentials Staff”, waxaana lagu amray iney ku. negaadaan gudaha xeyndaabka Xarunta Amisom, iyagoo lagu wargeliyay iney gebi ahaan la joojiyay dhaqdhaqaaqooda.

Dhanka kale Waxaa Maalintii 4-aad ka qaxaaya Qaraabada iyo xubnaha ku Beesha ah Farmaajo, iyadoo la sheegay in tikidhadii diyaarada la sheegay iney Qaali ku noqdeen, islamarkaana aaney jirin duulimaadyo, marka laga reebo kuwa tegaaya Ethiopia iyo Djibouti.

115050cookie-checkShaqaalaha Shisheeyaha Oo Laga Daadgureynaayo Xarunta Xalane