Gudoonka Baarlamaanka Oo Laga Dalbaday Inuu Xildhibaanada Xilalka Ciidamada Haya Ka Qaado Talaabo…

Somalia news

Waxaa aad u kordhaaya dalabyada loo jeedinaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka kuna aadan sidii uu Xilalka uga wareerin lahaa Xildhibaanada weli haya Xilalka iyo Darajooyinka Ciidamada, kuwaasoo ka hor imaanaya Shurucuuda iyo Hanaanka Dowladeed…

Wararka ayaa sheegay sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo habraacii loo sameeyay doorashada Xildhibaanada, waxaa mamnuuc ka ah Saraakiisha iyo Ciidamada inay qabtaan xil dowladeed ilaa ay iska casilaan toddoba maalmood kahor, iyadoo taasina ay meesha ka baxday xiligaan in la dhowro dastuurkii lagu heshiiyay iyo habraacyadii lagu soo xulay Baarlamaanka cusub.

Kulankii Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ee uu kula wareegay Mas’uuliyada Amaanka iyo qabanqaabada Doorashada ayaa wuxuu Yaasiin Fareey ugu qeyb galay isagoo ah Agaasimaha Hey’adda NISA, halka saraakiishii kale ee ciidamada ee ka qeybgalay waxba ka duwaneyn, shaarkii Xildhibaanimada siibtay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa looga fadhiyaa inuu jawaab ka bixiyo ku xadgudubka Dastuuriga ah ee Xildhibaan Yaasiin Fareey la hortegay Guddoomiye Aadan Madoobe maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo Dastuurka Dalka.

186840cookie-checkGudoonka Baarlamaanka Oo Laga Dalbaday Inuu Xildhibaanada Xilalka Ciidamada Haya Ka Qaado Talaabo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com