Share the post "Dabuulka, Maraakiibta, Diyaaradaha Dagaalka USA, Abaabulka Colaadaha Gobolka Bariga Dhexe & Saameynta.."
Xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeya Dalalka Iran iyo Israel ayaa cirka isku shareertay kadib markii Iran ay ku dhawaaqday iney Weerari doonto Xarumaha Ciidamada Yuhuuda iyo goobaheeda muhiimada Istraateejiga Militeri leh, kadib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Israel ay duqeeyeen Bartilmaameedyo ku yaal Dalka Iran…
Xiisadaan colaadeed iyo abaabulka socda ayaa waxaa ku soo biiray USA, iyadoo Diyaaradaheeda Dagaalka ee B-52 Bombers ah & Raxan Diyaaradaha F-16 ay Sabtidi shalay gaareen Garoomada Diyaaradaha ee Dalalka Qadar iyo Bahrain, maalin kadib marki ay Washington ku dhawaaqday in qalabkaasi milltari ay direyso, tallaabadan oo ah digniin ku socota Iran.
Ku darsoo Xarunta Dhexe ee Pentagon ayaa ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqday iney u dirayasn Bariga Dhexe, Raxan Diyaaradaha wax duqeeya, kuwa dagaalka iyo kuwa booyadaha iyo Difaaca Cirka iyo lidka Gantaalada si ay u xoojiyaan Ciidamada Israel oo awoodoodii Difaaca Cirka ay burburiyeen Gantaalada Ciidamada Iran bishii Tagtay.
Markabka Dagaalka USS Abraham Lincoln waxay u badan tahay inuu ku sugan yahay Badda Carabta, halka Madaxa Warfaafinta ee Pentagon-ka Maj.Gen.Pat Ryder uu sheegay Jimcihii in tiro Gujisyo, Diyaaradaha dagaalka, kuwa Booyadaha iyo kuwa wax duqeeya ee B-52 ay gaareen gobolka si ay uga hortagaan Iran iyo xulafadeeda, waxeyna Difaaca Cirka Yuhuuda ku xoojiyeen Gantaalada lidka Diyaaradaha iyo Gantaalada ee THAAD launcher.
Xiisadaan ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxeysa, waxaana dhici karta iney ku soo biiraan Dalalka Russia iyo China oo la saftaan Dalka Iran, iyadoo laga cabsi qabo in Dagaalka 3-aad ee Aduunka uu ka qarxo Mandiqada Bariga Dhexe taasoo saameyn weyn ku yeelan doonto Dalka Somalia.