Warar Is-Khilaafsan Oo Ka Soo Baxaaya Ninkii Gabdhaha Rasaaseeyay

Somalia news

Warar is-Khilaafsan ayaa ka soo baxaaya Shaqsigii Rasaasta ku riday Gabdhihii Banaanbaxa ka dhigaayay Isgoyska Isbitaalka Benadir Ee Magaalada Mogadishu, iyadoo Uu Wasiirka Amniga uu sheegay in la Xiray…

Wasiirka amniga Mr.Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay Nin ku hubeysnaa Bistoolad oo 25-kii bishii December 2020 Magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay dad dhigaayay banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo, Ninkaan oo ka tirsan Ciidamada Boliiska.

Sida ku cad Qoraalka Dhibanada Deeqo Somali, waxey ku eedeysay Wasiirka Amniga inuu ka been sheegay xariga Eedeysanaha ka tirsan Ciidamada Boliiska, kaasoo lagu arkay is ahaa oo Madaxtooyada Villa Somalia jooga 24-saac ka hor, (Sida ka muuqata Sawirka Cinwaanka), Talaabadaan ayaa tilmaameysa mid lagu marin habaabinaayo Shacbiga Soomaaliyeed.

Dadkii uu Shaqsigaan rasaaseeyay ayaa waxa ay ahaayeen Saddex Gabdhood & wiil ku dhawaaqaayay erayo ay ku diidan yihiin Madaxweyne Farmaajo, balse ninkaasi awood Hub uu u adeegsaday oo uu rasaas la dhacay.

84420cookie-checkWarar Is-Khilaafsan Oo Ka Soo Baxaaya Ninkii Gabdhaha Rasaaseeyay